Shabakada korontada (elnät) iyo ganacsiga korontada (elhandel)

Si aad u hesho korontaa, waxa aad u baahan tahay laba heshiis, mid loogu talo galay shabakadda korontada (elnät)  iyo mid loogu talo galay ganacsiga korontada ganacsiga korontada (elhandel). Halkan, waxa aanu ku sharraxaynaa farqiga udhaxeeya iyaga iyo qarashka aad bixiso.

Maxaa uu yahay ganacsiga korontada (elhandel)?  

Nord Pool, isku baddalka korontada ee Nordic, waa suuqa la wadaago ee ganacsiga korontada ee gobolada Nordic-ga. Halkani waa halka soo saarayaasha korontadu ay kaga iibiyaan korontada shirkadaha korontada. Qiimaha isku baddalka waxaa go’aamiya soo saarka iyo baahida si la mid ah suuqa saamiga ee caadiga ah. Shirkadaha korontadu waxay kasii iibiyaan adiga iyo macaamiisha kale ee shabakadda korontada (elnätet). Waxa aad ka iibsataa korontada shirkadda korontada adiga oo lagalaaya heshiis.

Suuqa korontada (elhandelsmarknaden)  ee Iswiidhan ma jiraan xaddidaado saarani, tanoo ay macneheedu yahay waxa aad dooran kartaa shirkada koronto ee aad doonto. Xaqiiqadiina, waxa aad xidhan kartaa shirkada koronto oo isku mid ah meel kasta oo Iswiidhan ah oo aad u guurto. Haddii aanad xulasho samaynin marka aad gobol koronto oo cusub uguurayso, waxa aad si toos ah uga heli doontaa heshiis (anvisningsavtal) rasmi ah shirkadaadii gudbinta awoodda iyo qaybinta. Heshiisyadani waa yara qaali, markaasi waxaa fikrad fiican ah inaad doorato heshiis kale oo aad ku halayso qiime ka fiican sida ugu dhakhsiyaha badan.

Maxaa ay tahay shabakadda korontadu (elnät)?

Ma dooran kartid shirkadda gudbinta awoodda iyo qaybinta, waayo waxa ay keeni kartaa in halka aad ku nooshahay shirkadaasi kaligeed suuqu uxidhmo. Shirkadaha gudbinta awoodda iyo qaybinta waxay ka mas’uul yihiin dhismaha iyo qalabaynta, sida waayarada iyo qalabka kale ee loo baahan yahay si korontada loogu gudbiyo gurigaaga. Waxa ay noqonaysaa qaali wayna kakanaanaysaa haddii shirkado kala duwani gudbiyaan awoodda qaybiyaana iyagoo waayaradooda uxidhaya macamiisha dalka oo dhan ku kala baahsan. Tani waa sababta Baarlamaanka Iswiidhan uu ugo’aamiyay in shirkadaha gudbinta awoodda iyo qaybintu ay si gaar ah xaq ugu leeyihiin inay u qaybiyaan korontada meelohooda ay ka hawlgalaan.

Mjölby-Svartådalen Energi AB (MSE) waxay kaga shaqaysaa shabakadda korontada deegaanka komishan ka yimaadda faraceeda ay kalideed leedahay, Mjölby Kraftnät AB (MKN). Halkan waxaad ku arki kartaa aagga shabakadda korontada ee aad ka tirsan tahay (xogtu waxa ay ku qoran tahay afka Iswiidhishka).

Haddii aad uguurayso ama ka guurayso cinwaan aad daggan tahay oo ku jira shabakaddayada, waxa aad ubaahan tahay inaad tani nagu soo wargeliso sida ugu dhakhsiyaha badan si aanu heshiis cusub kuugu samayn karno - ama si aanu kii horeba u burino.

Sidee ayaa loo xisaabiyaa qarashka korontadu?

Qarashka korontadaada waxaa loo qaybiyaa laba qaybood: qarashka korontada aad isticmaasho, iyo lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften). Lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften) waxa, iyaduna, usii qaybsan taa saddex qaybood.

Qarashka korontada aad isticmaashid 

Waxa aad qarashkan siisaa shirkada gudbinta awoodda iyo qaybinta ee aad dooratay.

Saddexda qaybood ee lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften)

Lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften) waxaa kormeera Swedish Energy Markets Inspectorate waxaana uu ka kooban yahay:

  • Lacag go’an oo sannadle ah tanoo la xidhiidha qarashka aad ku bixiso koronta kuugu tallaalan goobta aad daggan tahay.
  • Lacag gudbinta korontada ah oo isbadbaddasha taasoo la xidhiidha qarahka aad bixiso si korontada loogu soo gudbiyo gurigaaga. Lacagtani waxay ku xidhan tahay xaddiga korontada ah ee aad isticmaasho. 
  • Cashuurta tamarta (energiskatt) tanoo ka kaooban cashuurta la siinayo gobolka Iswiidhan -tanoo sharcigu uu kugu waajibinayo inaad bixiso.  

Waxa aad qarashkan siinaysaa shirkadda gudbinta awooda iyo qaybinta si aad u xaqiijiso in korontada gurigaaga lasoo gaadhsiiyo. Lacagtaada gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgift) waxa ay ku salaysan tahay fuyuuskaaga wayn (huvudsäkring) iyo inta koronto ah ee gurigaaga loosoo tabiyay.

* Sawirkani waxa uu muujinayaa tusaale ah qarashka korontada macmiilka tanoo ku salaysan isticmaalka tamarta oo sannadle ah oo ah 20,000 kWh iyo heshiiska isbadbaddalaya (rörligt pris). Qarashka aad siinayso shirkadda korontada iyo shirkadda gudbinta awoodda iyo qaybinta waxa uu midkiiba udhigmaa 25 boqolkiiba qarashka guud ee korontada. Cashuuraha, VAT, shahaadaha tamarta la cusboonaysiiyo ayaa ah 50 boqolkiiba oo ah inta ka hadhay qarashka guud.

Isha: Hay’adda Tamarta ee Iswiidhan

Si aad wax dheeri ah uga ogaato qarashka korontada ee macaamiisha, eeg websaytka Swedenergy (Energiföretagen Sverige).

Maxa ka mid ah Lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften)? 

Lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften) waxay ka kooban tahay dhowr wax oo loogu talo galay inay nolol maalmeedkaaga fudaydiso:

  • Lacagta gudbinta awoodda iyo qaybinta (elnätsavgiften) waxay ka kooban tahay dhowr wax oo loogu talo galay inay nolol maalmeedkaaga fudaydiso: 
  • Waxa aanu ku samaynaa dayactir joogto ah mustaqbalkana udiyaarinaa shabakadda korontada (elnätet) si loo yareeyo go’go’itaanka. 
  • Waxa aad kala socon kartaa isticmaalka My Pages (Mina sidor) (xogtu waxa ay ku qoran tahay afka Iswiidhishka). 
  • Waxa aad si degdeg ah u heli kartaa caawimo haddii laydhku kaa go’o, 24ka saacadood maalintii, maalin kasta oo sannadka ah. Waxaa noo diyaar ah markasta shaqaale xirfad leh oo la tacaala wixii dhibaatooyin dhanka shaqada ah. Waxa aanu sidoo kale bixinaa “magdhow go’idda laydhka ah” haddii uu laydhku kaa maqan yahay in ka badan 12 saacadood oo isku xigta..
  • Waxa aad kala socon kartaa xogta ku saabsan shaqada adigoo ku helaaya fariin ama iimayl, waxaana aad ka eegi kartaa hadda sida uu yahay onlayn. Gal Boggayga (Mina sidor) (xogtu waxay ku qoran tahay afka Iswiidhishka) si aad ula socoto xogta ku saabsan wixii dhibaatoyin dhanka shaqada ah. 
  • Waxa aanu kaa caawinaynaa inaad iska baddasho shirkadaada korontada. 
  • Waxa aad heli kartaa caawimo bilaash ah marka ay noqoto la socodka geedaha soo dhacaya iyo calaamadinta waayarada dhulka ku aasan.

·         Waxa aanu xaqiijinaa in korontada aad ka iibsato shirkada gudbinta awoodda iyo qaybinta ay soo gaadhsiiyaan waayaradayadu gurigaaga.