Waa maxay sababta qiimaha korontadu uu aadka ugu sarreeyo?

Qiimaha korontadu waa mid aad u sarreeya. Halkan waxaad ka akhriyi kartaa qaar kamid ah su’aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan xaaladda hadda iyo jawaabahooda.

Su'aalo iyo jawaabo ku saabsan qiimaha korontada

Waa maxay sababta qiimaha korontadu uu kor ugu kacay? 

Waxaa jira arrimo dibadda ah oo badan oo saameeya qiimaha korontada:

  • Qiimaha shidaalka ee Yurub.
  • Cimilada.
  • Korontada lasoo saarayo iyo korontada la isticmaalayo.
  • Xaaladaha suuqa ee dhaqaale.
  • Waayo fursadaha dhoofinta iyo soo dajinta korontada ee dhex maraya waayarada isku xidha, qiimaha korontada ee gobolka Nordic waxaa saameeya qiimaha meelaha kale ee Yurub.

Goorma ayuu qiimaha korontadu hoos usoo dhici doonaa? 

Jawaabta saxda ah ee su’aashani waa ma garan karno goorta qiimaha korontadu hoos usoo dagi doono. Waa arrin aad u ballaadhan taasoo ku xidhan arrimo badan oo dunida innagu hareeraysan ah. Guud ahaan marka loo hadlayo, tani waxay ku xidhan tahay marka wax kasta laga yimaado qiimaha gaaska oo soo daga waayo - marka aad loo fudaydiyo - waa isbedbeddelka qiimaha gaaska kan go’aamiya qiimaha korontada Yurub dhexdeeda. Sababta uu qiimaheenu ugu xidhan yahay qaarada waa qayb ahaan inay jirtay roob yari dhacday intii lagu gudo jiray xaggaga 2022 isla wakhtigii ka dhalinta tamarta hawaaduna Yurub dhexdeeda ay aad u yaraatay.

Ma waxaa la iga rabaa inaan ilaaliyo heshiiska bixinta korontada Isbedbeddesha? 

Ma waxaa la iga rabaa inaan ilaaliyo heshiiska bixinta korontada Isbedbeddesha? Qiimayaasha suuqu hadda si xooggan ayay isu bedbeddelayaan. Samaynta heshiis qiimo go’an (fast pris) ah marka qiimayaashu ay heerar aad usarreeya gaadhaan ma aha fikrad fiican waayo tan macneheedu waxay noqon kartaa “gelidda” heshiis qiimihiisu aad usarreeyo muddo aad ubadan. Sidaa darteed waxaa fiican inaad haysatid heshiiskaaga qiimihiisu isbedbedelaayo, waxaana talo ahaan lagu siinayaa inaad tixgeliso ikhtiyaaraadka kale ee bixinta korontada kuwaas oo ku siin kara dabacsanaan dheeraad ah iyo maaraynta qiimaha korontada oo wax ku ool ah.

Maxay tahay sababta aanan u qaadan karin heshiiska qiimaha go’an (fast pris) ee lala samaynayo Bixia? 

Awood uma lihin inaanu bixino heshiisyada qiimaha go’an (fast pris) ee qiimayaashu fiican yihiin hadda iyadoo uu qiimaha korontadu aad usarreeyo. Taa baddalkeeda, waxaanu ku talinaynaa in la tixgeliyo heshiisyo koronto oo bixiya ikhtiyaaraad maareyn wax ku ool ah oo kala duwan, taas oo kaa caawin karta inaad si waxtar leh u maareyso qiimaha korontadaada.

Intee ayaa 1 kWh oo koronto ahi ay daboolaysaa?

Sida saxda ah inta aad uga faa’idaysan karto kilowatt saacadiiba (kWh) waa ay kala duwan tahay. Waxa aanu soo ururinay tiro tusaalayaal ah oo qiyaasaya inta hal kilowatt saacadiiba (kWh) ay ka shaqaysiinayo qalabka elekteroonigga ah ee caadiga ah ee aad guriga ku haysatid.

Maxaa uu yahay qiimaha hadda (spotpris)?

Kalmad ka noqotay caan dadka wada sheekaysigooda ee hadda ayaa ah qiimaha hadda (spotpris). Laakiin taa macneheedu maxay tahay? Marka si fudud loo dhigo, qiimaha hadda (spotpris) waa qiimaha ay kusoo iibsadaan korontada shirkadaha korontadu.